1. Maalmaha aduunyada midwalba, mahadhadeediyo milicsigeeda ledahee.
2. Maqribkii isniinaad bishii maaris, barashadii maamuuska lahayde.
3. Maalmo dabaded muxabadii, ikaa gashay maankeeyga qaadee.
4. Anigoo maqalkaga mooyee muuqaaga arag ,inan mujisto adigaa muteeystee.
5. Inta Moowle uumay miyi iyo magalaba, idilkeed marleey dumar.
6. Muuqa waa isaga mide, midba farta lagu mudaa marka guur lahaybshee.
7. Malcamadaha quraankiyo, meelaha mowle lagu xuso midaan laga waayine.
8. Malayiinta dumar inan kaa xushtoo, arin kula meel dhigaa adiga muteeystee.
9. Maskaxda waa muraayade, hadan midigta laga fadhin macno yelan meyse.
10. Marxabeynta joogtada, hadan laguba masheyn miyir yeelan meysee.
11. Malmaha farxadiyo murugtaba, hadan lala munaqashin mudnan yeelan meysee.
12. Markastaba inaan midigtaada ahaado, adigaa muteeystee.
13. Murtida waa maax aan gureynoo, maalinkasta laga mureysan karayee.
14. Maantadaan joogniyo, mulaaxdeena dib u milicsan karayaane.
15. Waa meerisyo aan meeyr meyne, madxafkiyo muraayadaha lagu mamuusee.
16. Inaan maanso kuu marsho, kugu maamuuso adiga muteeystee.
Curiye: Mohamed Omar Abdulle(Makaran)
2019 {Adigaa Muteeystay}
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
sida nin gacan maran
1. Sida nin gacan maran oo gudcur, guureynaya gelin dhaxaadkiiye. 2. Oo goobaya hashii geela, ugu gaax badneede. 3. Oo gol iyo...
-
1. Aduunyadan da'da weyn, dayaxeedu mugdiga galay. 2. Aduunyadan intii duxneeyd, dajaalkiyo dayuusyadu qeeybsadeen. 3. Aduunyadan D...
-
1. Sida nin gacan maran oo gudcur, guureynaya gelin dhaxaadkiiye. 2. Oo goobaya hashii geela, ugu gaax badneede. 3. Oo gol iyo...
-
1. Beertu waa bu'dda nolashee. 2. Barataniyo bakaro faag hadey bilabato. 3. Kaan wax beeran xoow lasoo baxaa? 4. Badiyo bari hadii laga ...
No comments:
Post a Comment