Thursday, November 7, 2019
Baladweyne
1. Baartii muuqa dheereed baladkii, ku caan ahaaye.
2. Biyihii qaaday baan bushimaha, qarin kareeyne.
3.Nafteydii barbaa ka maqan, biriga maantaaye.
4. Baroorteeyda baan erayada, bayaanin kareeyne.
5. Bulshadeydii ba'baa ku dhacay, iyo boogaan hareeyne.
6. Wabiga kolkuu biyo keenaba, weey barakacayaane.
7. Kii baahi qabay iyo kii bilnaaba, weey isbarbar yaalaane.
8. Baceey hooydaan iyo waxaan, bahal ka celineeyne.
9. Bahdii badbaadinta ugu tagtagyna, biyaa dilay badankoodiiye.
10. Baladweyne biyaa buuxdhaafshay, sida badweyntiiye.
11. Badbaadin dhabeey rabtaa oo, bushimada aheyne.
12. Bulshiyo maamul isbiirsadeey, rabtaa biyaha kahore.
13. Buuraho biyo qabad losameyey, rabtaa biyaha kahore.
14. Wabigoo labuureey rabtaa, biyabaxada kahore.
15. Raboow adigaa badbaadin kara, nimeey boqol ubirtumataye.
16. Raboow baladweyne kayeel, beerihii janaade.
17. Raboow bulshadeda kayeel, birlad aan buusmine.
18. Raboow biyabaxada ugu bixi, barahaan ladagine.
Curiye: Mohamed Omar Abdulle(Makaran)
Subscribe to:
Post Comments (Atom)
sida nin gacan maran
1. Sida nin gacan maran oo gudcur, guureynaya gelin dhaxaadkiiye. 2. Oo goobaya hashii geela, ugu gaax badneede. 3. Oo gol iyo...
-
1. Aduunyadan da'da weyn, dayaxeedu mugdiga galay. 2. Aduunyadan intii duxneeyd, dajaalkiyo dayuusyadu qeeybsadeen. 3. Aduunyadan D...
-
1. Sida nin gacan maran oo gudcur, guureynaya gelin dhaxaadkiiye. 2. Oo goobaya hashii geela, ugu gaax badneede. 3. Oo gol iyo...
-
1. Beertu waa bu'dda nolashee. 2. Barataniyo bakaro faag hadey bilabato. 3. Kaan wax beeran xoow lasoo baxaa? 4. Badiyo bari hadii laga ...
No comments:
Post a Comment