Sunday, June 9, 2019

Maanso" Aduunyo"

1. Aduunyadan da'da weyn, dayaxeedu mugdiga galay.
2. Aduunyadan intii duxneeyd, dajaalkiyo dayuusyadu qeeybsadeen.
3. Aduunyadan Daa'inkii abuuray, dusheeda lagu dulmiyo.
4. Intii digrigiisa heeysane darooniskiyo, waxeynan iska dafici kareyn lagu dulfuro.
5. Duulkii ka damqado dulmiga lalamaganyahay, daldalada lagu xakumo.
6. Aduunyadan doodaha iyo waxuu dad isku dilo , dulmi falaha garsoor uyahay.
7. Ninka asigoon dirir galin, dahab ka darduurta rabo.
8. Aqliguu ka daboolanyahay, xaqiiqdu doc marsiisanyahay.
9. Daliilkuu Daa'in dhigay, ayuu dib umicsaneyn.
10. In dajalada soo ifbaxay dibnaan ayaga aheyn, malab durduriya rabin ayunan dardaran kaqabin.
11. Waxey isku dafacan cidii dib u unkata, induulan lagu qadayo ayuunan udafad heyn.
12. Daa'imow duul habaawsan beynunahay, dawga saxan noogu deeq.
13. Dulmi hadaan galnana dib inaan, usoo noqono dabci nooga yeel.
14. Daa'imow daruusyada diiniga, daacad inaan udabaqno dowlad noogu yeel.
15. Daa'imow deeqda agtaada taal, midan dayacmin iyo durur nooga yeel.
16. Daa'imow dulmigan dunida dacaladeda yaal, deeyr adag nooga yeel.

Curiye: Mohamed Omar Abdulle(Makaran)

Maanso "Maangabin galgacalkii"








1. Maan gabin galgacalkii, mana gaba gabeeynine.
2. Gu'a iima diidine, guudku imuu cadaanine.
3. Gashaanti guudka tidcatoo, garashane udhertahay.
4. Gobalkan joogiyo ,gayaankeey kamaan waayine.
5. Blse galgacalka sida hala irmaana, inaan gooni u daajiyaan gareeystee.
6. Gaawaheyga culan sida geel jire, garabka aan ku sitee.
7. Nirgihiisa guri jooga kolkey guuxaan, gaaxda aanka maalee.
8. Intaan gelin quute mooyee, haamaha ganuunka leh gedi aan ka buuxshe.
9. Gacaladii gaclootee geelan gaduudani,gooni ineey ulahaatee.
10. Galin baan ulisaayaa, kolkey u galan galootane gabaati baan usiinayaa.
By: Mohamed Omar Abdulle(Makaran)

sida nin gacan maran

1. Sida nin gacan maran oo gudcur, guureynaya gelin dhaxaadkiiye. 2. Oo goobaya hashii geela, ugu gaax badneede. 3. Oo gol iyo...